Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa bixiyay aragtidiisa ku saabsan final-ka UEFA Champions League kadib markii Arsenal ay ku guuleysatay horyaalka Premier League.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football Podcast”, Lineker wuxuu sheegay in Arsenal ay noqon doonto kooxda labaad ee loo saadaalinayo guusha marka ay la ciyaareyso Paris Saint-Germain magaalada Budapest taariikhda 30-ka May”
Wuxuu yiri:“Weli waxaan u maleynayaa inay yihiin kooxda labaad ee loo saadaalinayo guusha, sababtoo ah PSG waa koox aad u xoog badan sida aan wada ognahay”
“Laakiin Arsenal, haddii ay jirto koox garaaci karta PSG, waxay u badan tahay inay tahay Arsenal. Waxaana taasi noqon lahayd guul taariikhi ah oo laba koob ah.”
Lineker kaligiis ma aha qof PSG u arka kooxda ugu cadcad, iyadoo sidoo kale Jamie Carragher uu taageeray kooxda reer Paris.
Si kastaba, wuxuu sheegay in Arsenal ay tahay kooxda ugu awoodda badan ee joojin karta PSG oo ah kooxda difaacaneysa koobka.
Be the first to comment