Ciyaartoyda Arsenal ayaa la filayaa inay helaan gunnooyin lacageed oo waaweyn kadib markii ay ku guuleysteen horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo ka badan 20 sano ah.
Sida ay qortay wargeyska The Times, ciyaartoydu waxay heli doonaan qiyaastii £6,000 kulan kasta oo ay ciyaaraan, iyadoo sidoo kale jiri doonaan lacag dheeraad ah oo laga siinayo sanduuq gunno oo la ururiyay intii uu socday xilli ciyaareedka, taas oo ku xiran guulaha horyaalka iyo koobabka kale.
Qaar ka mid ah ciyaartoyda ayaa guud ahaan qaadan kara ku dhowaad £250,000 oo gunnooyin ah, iyadoo ay ku xiran tahay tirada kulamada ay ciyaareen, halka ciyaartoyda si joogto ah u safan jiray ay heli doonaan lacagta ugu badan.
Arsenal goolhaye David Raya iyo khadka dhexe Martin Zubimendi ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan ciyaartoyda ugu lacagta badan qaata, halka Bukayo Saka, Gabriel Magalhães, iyo William Saliba ay sidoo kale heli karaan qiyaastii £192,000 iyadoo lagu saleynayo tirada kulamadooda.
Xitaa haddii Arsenal ku guuleysato UEFA Champions League, waxaa jiri kara gunnooyin dheeraad ah oo ciyaartoyda la siin doono, sida ay wararku sheegayaan.
Be the first to comment