Tababaraha Liverpool Andoni Iraola ayaa sheegay in garbaha weerarka kooxdiisu ay tahay inay la qabsadaan inay ka ciyaaraan labada dhinac ee garoonka, kaddib markii Bradley Barcola uu markii ugu horreysay Premier League uga soo bilowday Liverpool isagoo ka ciyaaraya garabka bidix.
Barcola ayaa kulankii Liverpool ay la ciyaartay Fulham ku soo bilowday booska uu ugu jecel yahay ee garabka bidix, halka kulankii Champions League ee Atletico Madrid uu ka ciyaaray garabka midig, Iraola ayaa bilowgii xilli ciyaareedka si joogto ah u sameynayay isku-bedelka garbaha weerarka, iyadoo Cody Gakpo, Victor Muñoz iyo Rio Ngumoha ay sidoo kale labada dhinac kasoo ciyaareen.
Tababaraha reer Spain ayaa qirtay in afarta garab ee Liverpool ay inta badan doorbidaan garabka bidix, balse uu qorshuhu yahay in dhammaantood ay labada dhinac ka ciyaaraan inta lagu jiro xilli ciyaareedka, Iraola ayaa sharaxay in go’aanka lagu saleyn doono nooca ciyaarta, qaabka kooxda kasoo horjeeda iyo sidoo kale baahiyaha difaac ee kulanka:- “Waxaan heysannaa afar garab oo haddii xilli ciyaareedka ka hor la weydiiyo, qof walba uu dhihi lahaa waa ciyaartoy garabka bidix iyo ka badan ka ciyaara, Laakiin dhammaantood waxay ka ciyaari doonaan midig iyo bidix,” ayuu yiri Iraola.
Wuxuu intaas ku daray in mararka qaar ciyaaryahanka dhinaca loo gelin doono iyadoo lagu saleynayo halka uu khatarta badan ka abuuri karo iyo sida kooxda kasoo horjeeda u ciyaareyso, Iraola ayaa sidoo kale ku farxay bandhiggii Barcola, inkastoo uu xusay in xiddiga reer France uu weli u baahan yahay inuu helo daqiiqado badan si uu u gaaro heerkiisa jireed.
Barcola ayaan helin fursado badan oo uu ku ciyaaro intii lagu jiray diyaar-garowgii xilli ciyaareedka, sidaas darteed Liverpool ayaa hadda si tartiib ah ugu dhiseysa awooddiisa:- “Bradley waxaan hadda dhiseynaa xaaladdiisa jireed, sababtoo ah wax daqiiqado ah kama uusan helin kulamadii diyaar-garowga,” ayuu yiri Iraola.
Wuxuu sheegay in Barcola uu kulankii Fulham ciyaaray wax ka badan intii uu ciyaaray saddex maalmood ka hor kulankii Atletico Madrid, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu soo celinayo taam ahaanshihiisa, Barcola ayaa sidoo kale helay fursad wanaagsan oo uu gool ku dhalin karay, balse waa lumiyey.
Iraola ayaa aaminsan in ciyaaryahanka uu weli leeyahay wax badan oo uu soo bandhigi karo, balse hadda mudnaanta la siinayo waa inuu helo daqiiqado badan, kalsooni iyo taam ahaansho buuxa:- “Waan ognahay inuu wax badan haysto, laakiin hadda waxa muhiimka ah waa inaan siino daqiiqadaha, dhisno kalsoonidiisa, waana ciyaaryahan wax badan na siin doona,” ayuu yiri tababaraha Liverpool.
Sidaas darteed, taageerayaasha Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan filan kara inay marar badan arkaan Barcola, Gakpo, Muñoz iyo Ngumoha oo isku beddelaya labada garab, iyadoo Iraola uu doonayo inuu weerarkiisa ka dhigo mid aan si fudud loo saadaalin karin.
Be the first to comment