Wariyaha caanka ah ee reer Britain, Piers Morgan, ayaa saadaaliyay in dal uu tababare ajnabi ah hoggaaminayo uu ku guuleysan doono Koobka Adduunka 2026.
Morgan wuxuu doortay laba xul:
- England, oo uu tababare u yahay Thomas Tuchel.
- Brazil, oo uu hoggaaminayo Carlo Ancelotti.
Morgan ayaa bartiisa X ku qoray:
“SAADAASHAYDA KOOBKA ADDUUNKA: Weli ma jiro waddan ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo leh tababare ajnabi ah, laakiin waxaan aaminsanahay in sanadkan taariikhdaasi dhammaan doonto”
”England ama Brazil ayaa koobka qaadi doona, Tuchel ama Ancelotti-na waxay geli doonaan taariikhda.”
Xulka Brazil ayaa tartanka ku bilaabi doona kulan ay la ciyaarayaan Morocco maalinta Sabtida.
Dhanka kale, England ayaa la ciyaari doonta Croatia Arbacada soo socota, iyagoo doonaya inay ku guuleystaan Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 1966.
Morgan wuxuu rumeysan yahay in 2026 uu noqon karo sannadkii ugu horreeyay ee xul ku guuleysta Koobka Adduunka isagoo uu hoggaaminayo tababare aan u dhalan dalkaas.
Be the first to comment