Palmer Oo Xiddig Ka Ciyaara Premier League Ku Qancinaya In Uu Ku Biiro Chelsea.

Chelsea Cole Palmer ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabay isku dayo uu ku doonayo inuu ku qanciyo xiddiga Aston Villa ee Ollie Watkins inuu ku biiro Blues xagaagan.

Labada nin ayaa inta badan xagaaga ku wada qaatay waajibaadka caalamiga ah ee Euro 2024 ee Germany, halkaas oo ay wada mataleen xulka England.

Palmer iyo Watkins labaduba waxay ku guuldareysteen inay hal kulan ku soo bilowdaan tartanka laakiin weli waxay ku guuleysteen inay saameyn weyn ku yeeshaan kursiga kaydka.

Sida laga soo xigtay Football Insider, xiddiga Cole Palmer ayaa u sheegay xiddiga Watkins in uu ka tago kooxda Aston Villa kuna biiro chelsea.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka Chelsea Palmer uu ku qanciyay ciyaaryahankii hore ee Exeter City inuu ka tago kooxda Aston Villa kuna biiro Blues.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga