Aabbaha xiddiga reer Argentina iyo halyeeyga Barcelona, Lionel Messi, ayaa maanta geeriyooday. Jorge Messi ayaa geeriyooday isagoo 68 jir ah, kadib markii xaaladdiisa caafimaad ay kasii dartay.
Barcelona ayaa si rasmi ah uga tacsiyeeysay geerida Jorge Messi, iyadoo u dirtay qoyskiisa iyo Lionel Messi tacsi iyo murugo.
Barcelona ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Guddoomiyaha iyo maamulka Barcelona waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska Messi geerida Jorge Messi, aabbaha halyeeyga Barcelona, Lionel Messi.”
Barcelona waxay sidoo kale xustay jacaylka iyo taageerada uu Jorge Messi u hayay kooxda, gaar ahaan xilligii uu wiilkiisu bilaabay safarkiisa kubadda cagta.
Sida ay warbaahinta Spain sheegtay, Barcelona waxay maanta u sameyn doontaa xushmad gaar ah Jorge Messi ka hor kulamada saaxiibtinimo ee kooxda.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa la filayaa inay xirtaan calaamado madow, iyadoo sidoo kale la sameyn doono daqiiqad aamusnaan ah oo lagu xusayo marxuumka.
Barcelona ayaa kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doonta Nottingham Forest iyo Udinese, iyadoo kulamadaasi ay qayb ka yihiin tartanka saaxiibtinimo ee saddexda kooxood.
Jorge Messi wuxuu door weyn ku lahaa safarkii Lionel Messi, isagoo ahaa qofkii garabkiisa taagnaa intii uu yaraa iyo bilowgii xirfaddiisa kubadda cagta.
Our deepest condolences. May Jorge Messi rest in peace. pic.twitter.com/PPSTTjHki1
— FC Barcelona (@FCBarcelona) August 8, 2026
Be the first to comment