Miyuu Bruno Fernandes Ka Badali Doonaa Rikoodhada, Amorim Ayaa Ka Jawaabay.

Ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Liverpool, Ruben Amorim ayaa soo jeediyay in Bruno Fernandes laga yaabo in mustaqbalka laga beddelo doorkiisa ah inuu yahay qaataha rigoorada ee Manchester United.

United waxay u safraan Anfield Axadda si ay uga hortagaan cadowgooda weyn, taasoo noqon karta kulan muhiim ah oo ka tirsan horyaalka Premier League.

Labada kooxba waxay u baahan yihiin inay hagaajiyaan qaab ciyaareedkooda, iyadoo xitaa ciyaartoydooda ugu kalsoonida badan ay la tacaalayaan bilow adag oo xilli ciyaareedkan ah.

Tan waxaa ka mid ah kabtanka Red Devils, Fernandes, oo la qabsaday inuu ciyaaro Khadka dhexe balse weli wuxuu awooday inuu abuuro fursadaha ugu badan ee Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, hal arrin oo uu la dhibaatoonayo  ayaa ah rikoodhada taasoo ah wax lala yaabo maadaama uu leeyahay rikoor cajiib ah marka laga hadlayo qaadashada rigoorada.

Xiddiga ayaa khasaariyay 2 ka mid ah 3-dii rikoodhe ee uu qaatay xilli ciyaareedkan taas oo keentay su’aal laga keeno rikoodhadiisa.

Laakiin Amorim wuxuu ku adkeysanayaa inuusan weli ka fikirin beddelka qaataha rigoorada, inkastoo uu sheegay in ay jiraan ciyaartoy kale oo kooxda ka tirsan oo qaadi kara mas’uuliyadda haddii loo baahdo.

“Waan ogahay inuusan fududayn isaga [Fernandes], laakiin waxaan u maleynayaa inuu qaaday 70 rigooro, waxaana uu seegay sagaal kaliya. Laba rigooro oo aniga iga horreeyay ayaa ka mid ah, sidaas darteed aad ayaan uga niyad jabsanahay taas,” ayuu macalinka kooxda ku yiri shir jaraa’id ka hor ciyaarta.

“Laakiin wuu kalsooni badan yahay. Wuxuu ku tababarayaa rigooradaha, wuxuuna isku dayayaa inuu fahmo in dadku indhaha ku hayaan sida uu rigooradaha u dhaliyay. Sidaas darteed diyaar noqon doonaa.”

“Isagu waa qaataha ugu weyn. Wuxuu dhaliyay goolal badan, rigooraduna waqtigan way seegaysaa”.

“Waxaan haynaa ciyaartoy kale oo rigooro dhalin kara haddii loo baahdo. Mar kale, waan beddeli karnaa, laakiin waxaan si buuxda u kalsoonahay in Bruno uu arrintaas xallin doono.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga