
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay sababta ay Arsenal uga hadhay tartanka Premier League.
Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo kaalinta 1-aad u lumiyay kooxda Man City.
Arteta ayaa sheegay in sabab la xidhiidha kulamada badan ee ay ciyaartay kooxdiisu ay sabab u tahay in ay lumiso hogaanka premier League.
“Ma garanayo laakiin marka aad eegto jadwalka ciyaaraha ay tahay inaan ciyaarno seddexdii maalmoodba mar, waa waali,” Mikel Arteta ayaa ku calaacalay shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka dib.
“Marka tani waxay ku dhici kartaa koox kasta, horay ayay u dhacday, mana xakameyn karno taas gabi ahaanba”.
“Waan xakameyn karnaa sida aan hadda ahaan doono, u diyaargarow laga bilaabo berri si aan nafteena u siinno fursadda ugu fiican ee aan ku aadi karno Bayern Munich annagoo aaminsan fursadeheena in aan gaadhi karno Semi-final-ka champions League”.
Be the first to comment