Michael Carrick Oo Rikoodh Sameeyay Kadib Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay Liverpool.

Tababaraha ku meel-gaarka ah ee Manchester United, Michael Carrick, ayaa Axaddii dhigay rikoor cusub kadib markii kooxdiisu 3-2 kaga badisay Liverpool kulanka Premier League.

Carrick ayaa daawanayay iyadoo Red Devils ay Liverpool ku garaaceen Old Trafford fiidkii Axadda.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Matheus Cunha, Kobbie Mainoo iyo Benjamin Sesko ayaa siiyay kooxda martida loo ahaa saddexda dhibcood kulanka ay la yeesheen kooxda Arne Slot.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay OptaJoe, Carrick hadda wuxuu noqday tababaraha lixaad oo kaliya, isla markaana Ingiriiskii ugu horreeyay, ee ku guuleysta ugu yaraan siddeed ka mid ah sagaalkiisii kulan ee ugu horreeyay ee gurigiisa Premier League.

Ninka 44 jirka ah ayaa sidoo kale noqday kii ugu horreeyay tan iyo Antonio Conte xilli ciyaareedkii 2016-17 (isagoo sidoo kale ku guuleystay 8 ka mid ah 9 kulan oo gurigiisa ah).

Carrick waxaa si ku-meel-gaar ah loo magacaabay ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka kadib markii Manchester United ay shaqada ka eriday Ruben Amorim horraantii sanadkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga