Mbappe Oo Fariin U Diray Arsenal Kadib Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Gunners.

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappé oo u ciyaara kooxda Real Madrid ayaa diiday in uu is dhiibo kadib markii ay kooxdiisu guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Arsenal lugtii hore ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Declan Rice (laba gool) iyo Mikel Merino (hal gool) ayaa Gunners u kala dhaliyay goolashii ka caawiyay in ay guul Muhiim ah ka gaadhaan Real Madrid.

Labada kooxood ayaa mar kale ku ciyaari doona garoonka Santiago Bernabéu Stadium ee caasimada Spain ee Madrid 16-ka bishan April si loo ogaado cida u soo bixi doonta semi-finalka Champions League.

Xiddiga Mbappe ayaa Fariin u diray kooxda Arsenal isaga oo yidhi ciyaarta kadib”Dabcan waxaan sameyn karnaa soo laabasho lugta labaad”.

Real Madrid ayaa hubaal ah inay fursad u haysato inay bog cusub ka qorto sheekadeeda cajiibka ah ee Champions League, waxayna kooxdu u baahan tahay habeen taariikhi ah haddii ay doonayso inay xaqiijisato booskeeda semi-finalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga