Manchester City oo shan gool ku xaaqday Sunderland, hoggaankana toos ula wareegtay ………….

Manchester City ayaa guul weyn oo xiiso badan ka gaartay Sunderland, kaddib markii ay 5-3 ku garaacday kulan ka tirsanaa wareegga 5-aad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27.

Kulanka ayaa lagu ciyaaray garoonka Etihad Stadium, waxaana uu ahaa mid aad u xiiso badan, iyadoo labada kooxood ay sameeyeen weerarro badan, isla markaana goolal badan laga dhaliyay, Manchester City ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii 8-aad goolka koowaad u dhaliyay Enzo Fernández, taasoo kooxda martida loo ahaa gelisay cadaadis.

Sunderland ayaa si degdeg ah uga jawaabtay, waxaana daqiiqaddii 12-aad goolka barbaraha u dhaliyay Brian Brobbey, Manchester City ayaa markale hoggaanka la wareegtay markii Rayan Cherki uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 29-aad, Laakiin Sunderland ayaan quusan, waxaana Brobbey uu markale shabaqa taabtay daqiiqaddii 33-aad, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, wuxuuna 2-2 ka dhigay natiijada.

Wax yar ka hor dhammaadka qaybtii hore, Antoine Semenyo ayaa Manchester City u dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 43-aad, waxaana kooxda tababare Enzo Maresca ay qaybta hore ku dhamaysatay 3-2.

Qaybtii labaad ayay City sii wadday weerarkeeda, waxaana Semenyo uu markale gool dhaliyay daqiiqaddii 57-aad, isagoo Manchester City u dhaliyay goolka afraad, isla markaana isaga noqday ciyaaryahankii laba gool dhaliyay.

Sunderland ayaa hal gool kale soo celisay labo daqiiqo kaddib, iyadoo Brian Brobbey uu daqiiqaddii 59-aad dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta, taasoo natiijada ka dhigtay 4-3.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa ugu dambeyn xaqiijisay guusheeda markii weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland uu daqiiqaddii 83-aad dhaliyay goolka shanaad.

Sidaas ayay Manchester City ku gaartay 5-3, iyadoo qaadatay saddex dhibcood oo muhiim ah, waxaana guushan ay ka caawisay inay si gaar ah u qabato hoggaanka kala sarreynta Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga