Guaridola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Josko Gvardiol.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee daafaca Josko Gvardiol.

Josko Gvardiol ayaa seegay kulankii ay Man City la ciyaartay kooxda Copenhagen kulan ka tirsanaa champions League.

Kadib ciyaarta tababare Guardiola ayaa wax laga waydiiyay xaalada daafaca waxana uu sheegay in uu dhaawacanyahay.

Tababaraha ayaa sheegay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo kadib dhaawac soo gaadhay.

“Josko Gvardiol waxa uu maqnaan doonaa 2/3 todobaad sababa la xidhiidha dhaawac canqowga ah”ayuu Guardiola yidhi.

Xiddiga Gvardiol ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Man City xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga