
Ruben Amorim ayaa loogu baaqay inuu isticmaalo ciyaaryahan Manchester United ah si uu Alexander Isak ugala soo wareego Newcastle United.
Halyeeyga Old Trafford Gary Pallister ayaa ku adkeysanaya in Amorim uu ka faa’iidi doono Goolhaye fiican iyada Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee ay ku dhibaatoodeen kooxda.
Hojlund ayaa kaliya haliyay 2 gool xilli ciyaareedkan alka qaab ciyaareedka Zirkzee keentay in lala xidhiidhiyo tagista kooxda.
Pallister ayaa sheegay in Isak uu markiiba horumarin doono kooxda Man United hadii uu yimaado kooxda.
Halyeeyga Man United ayaa u sheegay Amorim in uu Marcus Rashford ka qayb dhigo heshiiska ay ku doonayso xiddiga Isak.
“Alexander Isak waxa uu si degdeg ah u wanaajin lahaa kooxda Manchester United”ayuu Pallister yidhi.
“Waxay wali raadinayaan ciyaaryahan si ay goolal u helaan,ama weeraryahan dhamaystiran”.
“Ma hubo in ay 150 milyan ku bixinayaan saxiixa Alexander Iska laakiin waxa uu u noqon doonaa saxiix weyn”.
“Aniga ahaan a qabaa in ay Marcus Rashford ku daraan heshiiska si y u helaan Iska”.
Be the first to comment