Arsenal Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay Baacsiga Xiddig Ay Ku Raad Joogtay.

Kooxda Arsenal ayaa dhirbaaxo kala kulantay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga Ronald Araujo kaas oo go’aansaday in uu heshiis cusub u saxiixo Barcelona.

Arsenal ayaa si dhaw ula socotay xaalada Ronald Araujo waxana ay rajaynayeen in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa.

Laakiin xiddiga 25 jirka ah ayaa haatan heshiis cusub u saxiixay kooxda Barcelona isaga oo dilay rajadii Gunners.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Ronald Araujo ayaa iska diiday kooxda Arsenal waxana uu qalinka ku duugay heshiis cusub.

Deco ayaa xididga reer Uruguay ku qanciyay in uu sii joogo kooxda Barcelona iskana diido kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga