Man United Oo La Saxeexanaysa Xiddigii Ka Baxsaday Barcelona, Kooxda Weyn Ee Premier League Ee La Wareegaysa Kalvin Phillips, Barca Oo Laga Afduubanayo Araujo Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta Oo Axad Ah

Khadka dhexe ee Manchester City iyo xulka England ee Kalvin Phillips oo 28 jir ah ayaa ka mid noqday liiska xiddigaha ay sida weyn u doonayso Manchester City. (Sun)

Manchester United waxa kale oo ay indhaha ku haysaa weeraryahanka RB Leipzig ee Lois Openda oo ah 23 jir u dhashay waddanka Belgium oo ay doonayaan in uu u beddelo Jadon Sancho oo 23 jir ah iyo Anthony Martial oo 28 jir ah. (Mirror)

Newcastle United ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo saxeexa goolhayaha Crystal Palace iyo xulka England ee Sam Johnstone oo 30 jir ah. (Star)

Man City waxay xiisaynaysaa garabka weerarka kooxda Club Burrge ee Tajon Buchanan oo ay isku dayayaan inay la saxeexdaan bisha January, laakiin waxa lagu xidhay inay £50 milyan oo Gini ka bixiyaan 24 jirkan reer Canada. (Star)

Wolves ayaa diyaarinaysa dalab £7 milyan oo Gini ah oo bisha January ay ka gudbinayso khadka dhexe ee kooxda Burnley ee Josh Brownhill oo 27 jir ah. (Mirror)

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta waxa uu qorshaynayaa in uu wada-hadallo la yeesho Atletico Madrid iyo Manchester City, si uu iskugu dayo in mustaqbalka ay si rasmi ah ugala wareegaan xiddigaha ay amaahda kaga soo qaateen ee Joao Felix oo 24 jir ah iyo Joao Cancelo oo 29 jir ah. (Sport)

Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro difaaca kooxda Nice ee Jean-Clair Todibo oo hore ugu soo dheeli jiray Barcelona. 23 jirkan ayaa ay doonayaan Tottenham iyo Liverpool. (Football Insider)

Manchester United waxay xidhiidh toos ah la samaysay weeraryahanka 27 jirka ah ee xulka Guinea iyo kooxda Stuttgart ee Serhou Guirassy oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo £17 milyan oo Gini. (Sky Sports Germany)

Bayern Munich ayaa liiska xiddigaha ay dooonayso xagaaga ku darsatay difaaca Barcelona ee Ronald Araujo oo 24 jir ah, una dhashay waddanka Uruguay. (Sky Sports Germany)

Juventus waxay si dhow ula socotaa xaaladda weeraryahanka reer Brazil ee Felipe Anderson ee kooxdiisa Lazio, iaydoo qandaraaska 30 jirkan uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Calciomercato)

Weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez ayaa sheegay, in ay suurtogal tahay in uu qandaraas cusub u saxeexo Inter Milan ka hor sannadka cusub ee ay saddexda usbuuc ka hadheen. 26 jirkan ayaa sheegay in ay wax walba isla meel-dhigeen kooxdiisa. (Gazzetta dello Sport)

Tababaraha Barcelona ee Xavi waxa uu caddeeyey in aanu doonayn inuu la saxeexdo goolhaye cusub kaddib dhaawaca Marc-Andre ter Stegen oo 31 jir ah. (Marca)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga