SAGAAL Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Ee Diiday Inay Kubadda Ciyaaraan, SHANTII Rikoodh Ee La Diiwaangeliyey Iyo Qiimayntii Fadeexadda Ahayd Ee Kulankii Red Devils vs Bournemouth

Manchester United waxa maanta la iskugu daray guul-darro culus iyo bahdilaad iyadoo garoonkeeda joogta, waxaana 3-0 ku karbaashtay Bournemouth oo waliba gool afraadna laga diiday dhamaadkii.

Red Devils ayaa kala daadsanayd oo aan u qalmaynin inay guul keento, waxaana saddexda gool qaybsaday Dominik Solanke oo daqiiqaddii shanaad aftaxay ciyaarta, Phillip Billing iyo Marcos Senesi.

Natiijadan murugada ah ayaa Manchester United ku timid ka hor ciyaarta Liverpool ee toddobaadka dambe ay booqanayaan Afnield, halkaas oo sannadihii ugu dambeeyey lagu soo karbaashayay.

Shantii rikoodhe ee fadeexadda ahaa ee loo diiwaangeliyey Man Utd

  • Waxay ahayd guul-darradii ugu weynayd ee Manchester United ay hoygeeda ugu geysato koox ka hoosaysa kala-badhka miiska kala-sarraynta Premier League.
  • Bournemouth waxay heshay guusheedii koowaad ee ay kasoo gaadho Manchester United iyadoo marti ah. 10kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay booqdeen Old Trafford, waxa laga badiyey sagaal jeer, marna barbarro ayay soo heleen.
  • Manchester United waxa laga dhaliyey saddex gool iyo ka badan iyagoo garoonkooda jooga shan  kulan xilli-ciyaareedkan gudihiisa. Markii ugu dambaysay ee ay sidaasi ku dhacdo ee Old Trafford lagaga dhaliyo goolal intaas le’eg waxay ahayd xilli-ciyaareedkii 1962-63 oo lix jeer lagaga dhaliyey saddex gool iyo ka badan.
  • Laga soo bilaabo guushii koowaad ee Premier League ee Bournemouth ay hesho xilli-ciyaareedkan oo ahayd October 28, kaliya Liverpool ayaa ah kooxda ka guulaha badan. Bournemouth waxay urursatay laga soo bilaabo waqtigaas 16 dhibcood, halka Liverpool ay 17 dhibcood heshay.
  • Manchester United waxa laga badiyey lix jeer 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, kuwaas oo shan ay badiyeen, midna barbarreeyeen.

Sagaalkii ciyaartoy ee diiday inay ciyaaraan

Sagaal ciyaartoy oo Manchester United ah ayaa inay ciyaarayaan iyo in kale aanay xogta kulanku muujinayn. Waxay ahaayeen kuwa ugu liitay garoonka ee isku darajada ahaa, taasina waxay ka dhigan tahay in Manchester United ay liidatay.

Sagaalka ciyaartoyba waxay qiimayntoodu ahayd darajada 5, halka labada ciyaartoy ee ka badbaaday ceebtaasi ay ahaayeen Sergio Requilon iyo Alejandro Garnacho oo iyaguna min hal darajo dhaamay saaxiibbadooda.

Beddelkii la sameeyey ayaa iyaguna la mid ahaa labada ciyaartoy ee firfircoonidu ka muuqatay.

Xiddigii garoonka

Weeraryahanka reer England ee Dominic Solanke oo asalkiisu yahay reer Nigeria ayaa noqday xiddigii gugu fiicnaa garoonka. Ma jirin cid ku qabsan karaysay sababtoo ah waxa uu dhaliyey gool, waxa uu dhaliyey gool, mar ayuu birta garaacay, gool kalena waa laga diiday.

Difaaca Manchester United waxa nafta u keenay Dominic Solanke, waxaana loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Man Utd: Onana (5), Dalot (5), Maguire (5), Shaw (5), Reguilon (6), Amrabat (5), McTominay (5), Fernandes (5), Antony (5), Garnacho (6), Martial (5).

Beddelka: Hojlund (6), Rashford (6), Pellistri (6), Evans (6).

Bournemouth: Neto (7), Smith (8), Zabarnyi (8), Senesi (8), Kerkez (8), Cook (8), Christie (8), Kluivert (7), Tavernier (8), Semenyo (6), Solanke (9).

Beddelka: Billing (8), Sinisterra (7), Rothwell (6), Ouatarra (6).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga