Jurgen Klopp Oo Qirtay In Guushii Liverpool Ka Gaadhay Crystal Palace Ay Nasiib Ahayd

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in kooxdiisu ay nasiib kaga badisay Crystal Palace oo shalay ay ku booqdeen garoonka Selhurst Park, halkaas oo ay kala soo laabteen guul 2-1 ah oo dhamaadkii uu goolka ciyaarta go’aamiyey u dhaliyey Harvey Elliott.

Crystal Palace ayaa qaybtii hore ku gacan-sarraysay ciyaarta, waxaana wiilasha tababare Roy Hodgson ay awoodeen in ay qaybta labaad helaan rikoodhe uu gool u beddelay ean-Philippe Mateta, iyadoo qaybta horena rikoodhe loo dhigay ay VAR ka diidday.

Jordan Ayew ayaa kaadh casaan ah ka qaatay Crystal Palace oo ciyaarta ka baxay iyadoo natiijadu tahay 1-0, waxaana halkaas fursad ku heshay Liverpool oo goolka barbarraha uu u dhaliyey Mohamed Salah dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan yihiin 13 daqiiqadood, halka Harvey Elliott oo beddel kusoo galay uu waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta uu saxeexay goolka guusha.

Guushan ayaa Liverpool ay si buuxda ugula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo Arsenal ay guul-darro 1-0 ah kala kulantay Aston Villa.

Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlay ciyaartaas kaddib ayaa yidhi: “Waxa aanu ciyaarnay 76 daqiiqadood oo aad u xumaa. Waxa aanu ku bilaabanay si hoosaysa iyoheerka kalsoonidayada oo liidata.

“Waanu ognahay in taasi ay dhici karayso marka ay ciyaaruhu sii bataan marba marka ka damabysa, qaybtii horena waxay ahayd mid farsamo. Way iska caddayd in aanu doonayno in qaybta labaad aanu si fiican u dheelno, waxaanan dareemayay in aanu woxoogaa kubadda gacanta ku hayno, iyaguna ay weerar rogaal-celis ah ku dheelayaan.

“Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan tababare u ahaado kooxdan, waxaanse ogahay in aanu nasiib badan lahayn. Haddii aad badiso marka aad wanaagsan tahay iyaguna aanay fursad haysanin waa guul, laakiin waxa aanu liidanay 76 daqiiqadood oo ka mid ah 96 daqiiqadood oo la ciyaaray.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga