Kobbie Mainoo ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay Manchester United kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sano ah oo uu kula sii joogayo kooxda garoonka Old Trafford.
Mainoo oo ka soo baxay akadeemiyada kooxda ayaa markii hore qandaraaskiisu dhammaan lahaa xagaaga soo socda, balse hadda wuxuu saxiixay heshiis cusub oo soconaya ilaa sanadka 2031.
Heshiiskan cusub waxa uu sidoo kale ku jiraa koror weyn oo mushaharkiisa ah, wuxuuna joojinayaa wararkii la xiriiray mustaqbalkiisa Old Trafford. Xiddiga 21-jirka ah ayaa hore loo sheegay inuu ka tagi karo kooxda kadib markii uu booskiisa waayay xilligii macalinkii hore Ruben Amorim.
Kooxda Talyaaniga ah ee Napoli ayaa ka mid ahayd kooxihii danaynayay, halka Chelsea ay sidoo kale la socotay xaaladdiisa.
Si kastaba, Mainoo ayaa dib ugu soo laabtay safka hore ee kooxda kadib markii uu fursad ka helay tababaraha cusub Michael Carrick, wuxuuna hadda si rasmi ah u go’aansaday inuu sii joogo Manchester United.
Be the first to comment