Dib U Eegid: Man United Oo 47 Sano Dib U Laabatay, Qaab Sidee Ah.

Kooxda Man United Ayaa sii waday Natiijooyinkii xumaa ee premier league iyaga Oo Guuldaro kala kulmay kooxda Crystal Palace.

Palace ayaa 4/0 ku xasuuqday kooxda Man United kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Man United Ayaa sida daadka looga dhalinayay goolasha xilli ciyaareedkan iyada Oo Laga dhaliyay goolal Aad u badan.

Kadib Guuldaradii Soo gaadhay Man United Ayaa boodhka ka jafatay Rikoodh Xun Oo ay dhigtay 47 Sano Ka Hor.

Man United Ayaa Laga dhaliyay 81 gool horyaalka premier league xilli ciyaareedka.

Waa markii ugu horaysay ee United Laga dhaliyo 81 gool horyaalka premier league xilli ciyaareed kaliya tan ilaa 1976/1977.

Xilli ciyaareedkaas ayaa sidoo kale Laga dhaliyay Man United 81 gool horyaalka premier league.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga