Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaaray Liverpool iyagoo ku garaacay 3-2, kulan ka tirsanaa wareegga 35-aad ee Premier League oo lagu ciyaaray garoonka Old Trafford.
Guushan kadib, Manchester United waxay dhibcahooda gaarsiisay 64 dhibcood iyagoo galay kaalinta saddexaad, halka Liverpool ay ku hartay 58 dhibcood, si ku meel gaar ah ugu jirta kaalinta afaraad.
Manchester United ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 6-aad iyadoo uu gool dhaliyay Matheus Cunha, halka Benjamin Sesko uu ku daray goolka labaad daqiiqaddii 14-aad.
Daqiiqaddii 47-aad, Liverpool ayaa yareysay farqiga kadib markii Dominik Szoboszlai uu gool dhaliyay, isagoo ka faa’iideystay qalad uu sameeyay Diallo. Kadib, Cody Gakpo ayaa keenay goolka barbaraha daqiiqaddii 56-aad, kaddib qalad uu sameeyay goolhayaha United, taasoo u saamaxday kubadda inay gaarto Szoboszlai oo u sii dhiibay Gakpo, kaasoo shabaqa geliyay.
Manchester United ayaa markale hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 77-aad, markii Kobbie Mainoo uu dhaliyay goolka saddexaad, kadib markii kubad laga saaray difaaca ay soo gaartay, wuxuuna ku dhuftay darbo hoose oo shabaqa gashay.
Waxaa xusid mudan in Manchester United ay horey u xaqiijisay u soo bixitaanka tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda kadib guushan.
Be the first to comment