Man United Mise Arsenal? Cesc Fabergas Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Premier League.

Halyeeyga Arsenal Ee Cesc Fabregas ayaa aaminsan in Arsenal ay aad uga xoogantahay Man United wuxuuna filayaa in kooxda Mikel Arteta ay si raaxo leh ugu badin doonto Old Trafford Axada.

Arsenal ayaa hal dhibic ka horaysa Man City horyaalka premier League laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa haysata hal kulan oo baaqi ah.

Man United ayaa dhinaca kale ku jirta qaab ciyaareed liita iyaga oo si weyn u dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

“Waxaan u arkaa kulan weyn, Arsenal v United, United v Arsenal, waxay had iyo jeer ahaayeen ciyaaro gaar ah”ayuu yidhi.

“aa run, United waqti xaadirkan ma joogaan heerkii ay joogeen haatan Arsenal ayaa aad uga xog badan Man United”.

“Arsenal waxa ay leedahay kalsooni iyo khibrad ay ka heleen xilli ciyaareedkii hore waxana aan qabaa in ay Arsenal si raaxo leh uga badin doonto Man United”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga