Man City Oo Laba Rikoodh Ka Dhigtay Champions League.

Manchester City ayaa dhigtay laba rikoor oo cusub oo Champions League ah ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen Copenhagen.

Kevin De Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa ka hor inta ayna kooxda Copenhagen bar-barayn isla markaas ciyaarta ka dhigin 1/1.

Laakiin Bernardo Silva ayaa hogaanka u soo celiyay kooxdiisa ka hor inta uuna Phil Foden dhalin goolka ciyaarta ay ku dileen.

Kadib goolkaas Foden ayaa Man City ka caawiyay in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee ugu yaraan 3 gool dhalisa taariikhda champions League.

Arinta sii fiicnaynaysa rikoodhka ayaa ah in City dhalisay 3 gool dhamaan 7-dii kulan ee ay ciyaartay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga