Rio Ferdinand Oo Sharaxay Sababta Ay Liverpool Ugu Soo Laabatay Halkii Ugu Fiicnayd.

Rio Ferdinand ayaa sheegay in Liverpool ay dhaaftay wixii uu filayay xilli ciyaareedkan wuxuuna amaanay tababarahooda Jurgen Klopp oo kooxdiisa ku hogaamiyay hogaanka Premier League.

Xitaa ka dib markii uu ka maqnaa gooldhaliyahooda ugu sarreeya ee Mohamed Salah tan iyo 1-dii January Liverpool ayaa sii waday guulaha premier League iyaga oo 2 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka.

Reds ayaa kaliya laga badiyay 2 kulan 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ahayd midii 3/1 ahayd ee ka soo gaadhay Arsenal.

Isagoo la hadlayay TNT Sports, Ferdinand ayaa qirtay inuusan u maleyneynin in kooxda Merseyside ay ku tartami doonto horyaalka xilli ciyaareedkan laakiin wuxuu ammaanay maamulkooda iyo saxiixyadii ay sameeyeen suuqii xagaaga.

“Ma fileyn in Liverpool ay halkaas joogi doonto, oo ay sameyn doonto waxa ay sameyneyso, oo ah horyaalka”ayuu yidhi xiddigii hore man United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga