Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalabkii furitaanka ee Al-Nassr oo ku aadan goolhaye Ederson.
30-sano jirkaan ayaa ahaa dookha 1-aad ee Kooxda Man City tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2017.
Ederson ayaa u ciyaaray kooxda Man City 332 waxana uu kooxda kula guulastay 6 Premier League, 4 League cup, 2 FA Cup, Champions League, UEFA Super cup iyo Club World Cup.
Inkasta oo uu wali xiddig muhiim ah ka yahay kooxda Man City hadana waxa ay wajahaysaa dagaal ay ku xejisanayso adeegiisa.
Dhawaan ayaa la sheegay in goolhayaha reer Brazil uu dalab 25 milyan ah ka helay koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Man City ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee Al-Nassr, taasoo ka dhigeysa in kooxda Saudi Arabia ay go’aan ka gaarto inay la soo laabato dalab cusub.
Be the first to comment