Liverpool ayaa guul muhiim ah oo 3-1 ah ka gaadhay Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Anfield, kaasoo qayb ka ahaa wareegga 34-aad ee horyaalka Premier League-ka Ingiriiska.
Liverpool ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 35-aad markii Alexander Isak uu gool dhaliyay kadib caawin uu ka helay Alexis Mac Allister. Kadib, Liverpool ayaa dhalisay goolka labaad daqiiqaddii 41-aad, waxaana dhaliyay Andrew Robertson oo caawin ka helay Curtis Jones.
Crystal Palace ayaa yareysay farqiga daqiiqaddii 72-aad, waxaana goolka u dhaliyay Daniel Muñoz.
Waqtiga dheeriga ah (injury time), Florian Wirtz ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Liverpool daqiiqaddii 90+6, taasoo xaqiijisay guusha kooxda martida loo ahaa.
Guushan kadib, Liverpool waxay gaartay 58 dhibcood, iyagoo galay kaalinta afaraad iyagoo kaga hormaray Aston Villa farqiga goolasha, halka Crystal Palace ay ku hartay 43 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta 13-aad.
Be the first to comment