Liverpool ayaa loo sheegay in kooxda kaliya ee ay ka walwalayaan tartanka horyaalka ay tahay laftooda.
Reds ayaa hadda fadhisa hogaanka Premier League, iyadoo lix dhibcood ka sareysa kooxda ugu dhow ee Arsenal.
Waxa ay ku riyaaqeen xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee cajiib ah intii uu hogaaminayay Arne Slot, kaasoo bedelay Klopp xagaagii.
Waxaana haatan loogu baaqay inay iska iloobaan Gunners oo ay naftooda diirada saaraan sida uu sheegya xiddigii hore ee kooxda Liverpool John Aldridge.
Xidigii hore ee jamhuuriyada Ireland waxa uu horyaalka la qaaday Liverpool sanadii 1988 waxana uu aaminsan yahay in kooxdiisii hore ay u baahan tahay in ay xidho buuqa uga imanaya banaanka.
“Ma ahan wax ku saabsan Arsenal, Man City ama cid kasta oo ku jirta tartanka horyaalka hadda – waa nafteena. Dadku waxay igu dhahaan, ‘yaa ka welwelsan tahay?’ Waxaan ka walwalsanahay Liverpool, hadii ay lumiso kulamo badan”ayuu yidhi.
“Uma baahnid inaan ka walwalno Arsenal, kaliya waxaan u baahanahay inaan ka walwalno nafteena, kaliya waxaan u baahanahay inaan sii wadno guulaha”.
Be the first to comment