RASMI: Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Manchester United Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Go’aanka Adag Ee Uu Qaatay Mauricio Pochettino

Ciyaartoyda Chelsea ayaa safar ugu tegaya Manchester United oo waqti dambe oo caawa ah ay isku haleeli doonaan garoonka Old Trafford, halkaas oo labada kooxood ay mid walba u dagaallami doonto sidii u heli lahayd guul ay kaga baxdo waqtiga adag ee ay ku jirto, isla markaana sare ugu soo dallacdo.

Chelsea waxay ciyaartii ugu dambaysay 3-2 ku garaacday Brighton, iyadoo waliba inta badan ku dheelaysay 10-ciyaartoy oo qaybtii hore casaan lagaga saaray hal ciyaartoy. Waxa ua sii horreysay guul-darro culus oo ay Newcastle United ku garaacday 4-1.

Blues ayaa la filayay in ciyaartan ay dib u hesho Christopher Nkunku iyo Romeo Lavia oo labadooduba kusoo laabtay tababarka, laakiin Pochettino ayaa sheegay in aanay wali si buuxda usoo kabanin oo ay waqti hore ku noqotay ciyaartani, balse uu rajaynayo in kulamada xiga ay diyaar noqon doonaan.

Waxa kale oo Chelsea ay dhaawacyo kasoo gaadheen Lesley Ugochukwu iyo Noni Madueke, halka ay muddo maqnaanayaan Ben Chilwell, Trevoh Chalobah iyo Wesley Fofana.

Carney Chukwuemeka oo kasoo kabtay dhaawac ayaa sidoo kale ka maqan ciyaarta oo aan wali helin fasaxa dhakhaatiirta, halka Conor Gallagher uu ku seegayo kaadhkii casaa ee uu qaatay ciyaartii Brighton.

Khadka dhexe ayay ka wiiqan tahay Chelsea, waxaana kaliya ay ku haystaan Moises Caicedo iyo Enzo Fernandez, hase yeeshee waxa uu Pochettino ka ciyaarsiin karaa Reece James iyo Marc Cucurella oo hore loosoo dhaqaajin doono, iyadoo saddexda difaac ee Thiago Alcantara,a Benoit Badiashile iyo Levi Colwill ay ka dambaynayaan.

Waa kuwan liiska ciyaartoyda Chelsea ee u safraya Old Trafford

Goolhayeyaal: Rob Sanchez, Djordje Petrovic

Difaacyahanno: Axel Disasi, Thiago Silva, Benoit Badiashile, Levi Colwill, Ian Maatsen, Alfie Gilchrist, Josh Brooking, Marc Cucurella, Reece James

Khadka Dhexe: Moises Caicedo, Enzo Fernandez

Weerarka: Cole Palmer, Nicolas Jackson, Raheem Sterling, Mykhailo Mudryk, Armando Broja, Deivid Washington

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga