Liverpool Oo Heshiis Cusub U Soo bandhigtay Xiddig Doonaya in U Isaga Tago kooxda

Liverpool ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaha ay iska fasaxday Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24, iyadoo xaqiijisay inay qandaraas cusub u soo bandhigtay mid ka mid ah goolhayeyaasheeda khibradda leh.

Alisson ayaa ah dookha 1-aad ee Liverpool waxana ahaa doona 2-aad Goolhaye Caoimhin Kelleher Halka uu Adrian ahaa dookha 3-aad sanadihii ugu dambeeyay.

37 jirkaan ayaa kaliya 26 jeer u ciyaaray Reds tan iyo markii uu ku soo biiray 2019 – isagoo shabaqiisa ilaashaday todobo kulan.

Liverpool ayaa Adrian ku dartay liiska xiddigaha ka tagaya kooxda ee ay maanta Soo Saartay.

Hadan Reds ayaa heshiis cusub u Soo bandhigay Goolhayaha si uu u sii joogo Kooxda

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga