Lionel Messi Oo Looga Yeedhi Karo Ciyaaraha Olombikada 2024.

Kadib guushii 1-0 ee ay Argentina kaga badisay Brazil isla markaas kaga qayb gali doonaan tartanka Olombikada ee ka dhici doona Paris sanadkan 2024.

warbaahinta Argentina ayaa si deg deg ah ula hadashay tababare Javier Mascherano iyaga oo wax ka waydiiyay dookha xiddigaha 23 ah ee ka qayb gali doona tartanka.

“Qof walba hore ayuu u garanayaa xiriirka aan la leeyahay Leo, saaxiibtinimada aan leeyahay, marka hore, waa inaan u qalannaa in aan u gudubno, in aan xiddig isaga oo kale ah albaabka u furno waxa ay ku xidhantahay qorshayaashiisa”.

“Waxaa igu waajib ah inaan ku casuumo Messi iyo Di Maria, Leo iyo Angel waxaan la leeyahay xiriir cajiib ah, waxaan nahay saaxiibo, laakiin waxaan fahamsanahay inay leeyihiin shaqooyin kale”.

waxayna ku xirnaan doontaa taas, ma ahan wax fudud, xaalad kasta. Waxaa jirta wakhti aan kula hadli karno. Hadda waa inaan nafteena ku raaxaysano, “ayuu yidhi tababaraha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga