Bayer Leverkusen Oo Xabi Alonso Fariin Uga Dirtay Liverpool

Agaasimaha Kooxda Bayer Leverkusen ayaa ka hadlay wararka ku saabsan mustaqbalka Tababare Xabi Alonso oo lala xidhiidhinayo kooxo badan.

Kooxda Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa tababare Alonso kaas oo ay doonayaan in ay ku badalaan Tababare Klopp.

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta badalka Klopp kaas oo xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waan hubaa in Xabi Alonso uu nala sii joogi doono xilli ciyaareedka soo socda. Waanu ku raaxaysanaynaa ka wada shaqaynta mashruucan”ayuu

yidhi

“Waxa uu qandaraas kula jiraa ilaa June 2024, waxa aanu rajaynaynaa in aanu Xabi sii haysano wakhti dheer” ayuu yidhi

Xabi ayaa Leverkusen ku hogaamiyay ilaa haatan in ay hogaamiso horyaalka Bundesliga kuwaas oo ay ku hogamainayaan 5 dhibcood.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga