Kooxdii Uu Doonayay In Uu Rice Ku Biiro Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Arsenal Oo La Ogaaday.

Declan Rice waxa uu doonayay in uu dib ugu soo laabto Chelsea marka loo eego kooxaha kale sida laga soo xigtay Jody Morris, oo hal mar caawiye ka ah Stamford Bridge.

Isagoo la hadlayay William Hill ayaa yidhi””Waxaan fariin u diray Declan Rice markii aan joogay Chelsea, waxaana waydiiyay inuu soo laaban doono, xitaa ka dib markii ay kooxdu fasaxday”.

“Wuxuu ahaa daafac dhexe wakhtigaas waxaana jiray dad badan oo lahaa ma ahayn in la fasaxo wakhtigaas Laakiin waxa laga yaabaa in ay ahayd wixii ugu fiicnaa, waxa uu shaqo fiican ka qabtay West Ham”.

“Mar walba Lampard ayaa ii sheegi jiray in uu Rice noqon lahaa mid ku fiican kooxda markii uu Kante dhaawacmi jiray”

“Bilo ka hor intii uuna ku biirin Arsenal waxa aan u sheegay in uu iman doono chelsea waxana uu ii sheegay in uu doonayo in uu yimaado chelsea”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga