Laba Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Xaasaska Wadaaga,

Macalinka Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay shaqaaqadii garoonka dhex martay Oleksandr Zinchenko iyo Ben White intii lagu guda jiray guushii ugu dambeysay ee kooxdu ay ka gaartay Nottingham Forest, isagoo ku kaftamay inay xitaa “wadaagaan xaasaska”

Arteta, oo 41 jir ah, waxay ku qasbanaaday in uu kala qabto Zinchenko iyo White laakiin waxa uu sheegay in ay yihiin saaxiibo wanaagsan, isaga oo sharraxay sida ay dadku inta badan ula dagaallamaan kuwa ay jecel yihiin.

“Haa…Waxay ku nool yihiin hal guri xitaa, wadaagaan xaasaska wax walba,” ayuu yiri Arteta.

” Way fiicantahay inay hadda ku wada noolyihiin guri, waa saaxiibada ugu fiican”.

Labada xiddig ayaa muhiim u ah koxda Arsenal xilli ciyaareedkan iyaga oo si joogto ah ugu ciyaara kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga