La Ogaaday Halka Waddo Ee Ay Chelsea Shaqada Uga Caydhinayso Mauricio Pochettino Oo La Ogaaday.

Horaantii bishan ayaa la soo wariyay in madaxda Chelsea aysan wax niyad ah u qabin inay shaqada ka caydhiyaan Mauricio Pochettino ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Todd Boehly & Co. ayaa doonaya in ay siiyaan wakhti ilaa dhamaadka ololahan, iyada oo ay wali Blues ku jirto tartanka u soo bixitaanka yurub xilli ciyaareedka dambe.
Si kasta ha ahaatee warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo ka caydhinta Pochettino ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan in ay suurtagal tahay.
Laakiin waa hadii ay kooxdu si weyn hoos ugu dhaadhacdo salaanka kala saraynta horyaalka premier Leageue kuna sii jirto qaab ciyaareedka xun ee ay ku jirto.
Maamulka Blues ayaa fahansan in go’aankii sanadkii hore ee lagu eryay Graham Potter uu dhab ahaantii wax sii xumeeyay.
Chelsea ayaa hadda 13 dhibcood ka hoosaysa Tottenham oo ku jirta kaalinta shanaad ee kala saraynta horyaalka Premier League.
Sidoo kale waxa ay gaadheen final-ka tartanka Carabao cup-ka oo ay fursad u haystaan in ay guulaystaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga