
Kylian Mbappe ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii ay kooxdiisu guusha 1/0 ah ka gaadhay Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.
Xiddiga reer France ayaa khalad xun ku galay xiddiga Antonio Blanco taas oo sababtay in ciyaarta laga saaro xiddiga.
Mbappe ayaa kaliya markii 3-aad ee taariikhdiisa ciyaarta looga saaray kaadh cas ka hor dhacdadii kulankii Axada.
Horyaalka La Liga, kaarka cas wuxuu caadi ahaan keenaa ganaax laba kulan ah, taasoo la macno ah in uu Mbappe seegi doono kulamada Athletic Bilbao iyo Getafe.
Si kastaba ha ahaatee, haddii dembiga loo arko xad-gudub culus ganaaxa ayaa noqon kara mid intaas ka dheer taas oo la macno ah in uu Mbappe seegi karo final-ka Copa del Rey-ga ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona
Xoolo Arsenal ma la liga ka ciyaartaaa mise wax aad ciwaan ka dhigato weyday kkkkkk