Bukayo Saka ayaa qirtay inuu “qalbigiisa hoose” ka ogyahay kooxda ay Arsenal doonayso inay wajahdo marka laga eego PSG iyo Bayern Munich, kadib markii uu dhaliyay goolkii kooxda carruurnimadiisa u qaaday final-ka Champions League.
Gunners ayaa u gudbay ciyaarta kama dambaysta ah ee ka dhici doonta Budapest kadib markii ay 1-0 si dirqi ah kaga adkaadeen Atletico Madrid kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium oo aad u buuq badnaa.
Ciyaar adag oo jir ahaan daal badan lahayd ayaa ugu dambayn lagu kala baxay gool uu Saka dhaliyay dhammaadkii qeybta hore, kadib markii uu si dhaqso leh uga falceliyay kubad soo laabatay kaddib markii Jan Oblak uu badbaadiyay fursad uu lahaa Leandro Trossard.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa inta badan qeybtii labaad ku mashquulsaneyd difaacashada goolkooda, iyagoo ku tiirsanaa adkeysigooda difaac si ay u ilaashadaan shabaqooda nadiifta ah, taasoo xaqiijisay inay gaareen final-ka ka dhacaya Budapest.
Arsenal ayaa hadda sugaysa inay ogaato kooxda waaweyn ee Yurub ay wajihi doonaan wax ka badan saddex toddobaad gudahood.
Kooxda difaacanaysa koobka ee PSG, oo Arsenal ka reebtay semi-finalka sanadkii hore, ama Bayern Munich oo uu hoggaaminayo Harry Kane, ayaa labaduba ah kooxo adag oo cabsi leh. Saka ayaana si taxaddar leh uga jawaabay markii la weydiiyay kooxda uu doorbidi lahaa inuu wajaho.
“Su’aasha sidaas ah ima waydiin kartid!” ayuu yiri Saka kadib markii falanqeeyaha CBS ee Micah Richards uu weydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa inay finalka isku arkaan.
“Waad ogtahay inaan bixin doono jawaab saxaafadeed oo taxaddar leh! Laakiin qalbigeenna hoose waan ognahay kooxda aan rabno inaan wajahno, taas keliya ayaan oranayaa,” ayuu yiri Bukayo Saka.
“Daqiiqaddaas ciyaarta kadib, aniga iyo dhowr qof oo igu dhow oo keliya ayaan fahmi karna waxa aan soo maray xirfaddeyda iyo safarka aan u soo maray inaan heerkan gaaro,” ayuu Saka sii raaciyay kadib markii uu amaan ka helay Clint Dempsey, kaasoo xusay sida biseylka leh ee uu ula tacaalay ceebtii ka dhalatay rigooradii uu qasaariyay finalkii Euro 2020 ee Italy”
“Waxaan rabay oo keliya inaan Ilaahay u mahadceliyo waqtigaas, sababtoo ah Ilaahay ayaa iga caawiya inaan ka gudbo wax walba. Ciyaartoy badan kama soo kaban lahaayeen xaaladaha qaar ee aan soo maray, laakiin isaga ayaa ii ahaa xooggeyga intaas oo dhan.”
Be the first to comment