Kooxaha Ugu Guulaysiga Badan Premier League Taariikhda Tartanka.

Arsenal ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2025/26 kadib markii Manchester City ay barbaro 1-1 ah la gashay Bournemouth habeenkii Talaadada.

Natiijadan waxay ka dhigan tahay in Arsenal ay hanatay horyaalka iyadoo hal kulan uu uga harsan yahay xilli ciyaareedka.

Warbixinta Daily Post Nigeria waxay sheegtay in labo kooxood oo keliya ay taariikhda ku leeyihiin koobab horyaal oo ka badan Arsenal, kuwaas oo kala ah:

Liverpool – 20 horyaal

Manchester United – 20 horyaal

Arsenal hadda waxay leedahay 14 koob oo horyaalka England ah, taasoo ka dhigaysa kooxda saddexaad ee ugu guulaha badan taariikhda tartanka.

Sidoo kale, Arsenal ayaa noqotay kooxda ku guuleysatay horyaalka tobannaanno kala duwan ugu badan, iyadoo koobab ku qaaday 8 tobannaan oo kala duwan — rikoor aysan koox kale gaarin.

Mikel Arteta iyo ciyaartoydiisa ayaa sidaas ku soo afjaray sugitaan dheer oo 22 sano ah oo ay ku doonayeen hanashada Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga