Kooxaha Seri A 6 Kooxood Maku Yeelan Karaan Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe? Waa Laga Jawaabay.

Italy ayaa qarka u saaran inay xaqiijiso kaalinta shanaad ee Champions League, laakiin waxaa jirta fursad ay lix kooxood ku yeelan karaan tartanka.

Ka dib lugtii hore ee wareega 8da, Serie A waxay ku dhowdahay inay hesho mid ka mid ah labada boos ee dheeriga ah ee tartanka champions League.

Sky Sports, Kooxaha Talyaaniga ayaa fursad u haysta in ay 6 kooxood ku yeeshaan tartanka champions League.

Haddii Atalanta ay ka fogaato guuldarada Liverpool iyo Fiorentina ay ka badiso Viktoria Plzen Europa League iyo Conference League siday u kala horreeyaan, Italy ayaa xaqiijin doonta booska dheeriga ah.

Intaa waxaa dheer, haddii Roma ama Atalanta ay ku guuleystaan ​​​​Europe League laakiin ay ku dhameystaan ​​meel ka baxsan afarta sare ee Serie A, waxay sidoo kale u soo bixi doonaan Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga