Erik Ten Hag Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Man United.

Isagoo hadlayay kadib barbarihii 2-2 ay la galeen Bournemouth, Erik ten Hag ayaa yiri:  “Taageerayaashu waa inay samraan? Iyaga ayay u taalo laakiin waa runta.

“Waqtigan xaadirka ah dhammaan dhibaatooyinka na haysta waa in aanan u ciyaarin heerkeena”.

“Marka ay cid walba ku jirto qaab ciyaareed fiican laakiin waa in aan si fiican u ciyaarno 90-ka daqiiqo”.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Man United ayaa haatanba dalbanaya in shaqada laga caydhiyo Ten Hag.

Haatan Man United ayaa ku jirta kaalinta 6-aad waxana ay guul la’aan yihiin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Man United ayaa 10 dhibcood ka hoosaysa kooxda kaalinta 4-aad ku jirta horyaalka premier League ee Aston Villa.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga