Liverpool Oo La Kulantay Guuldaro Lama Filaan Ah Kana Hadhay Tartanka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo guuldaro kala kulamay Crystal Palace.

Liverpool ayaa ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta laakiin Waxa ay ku fashilmeen in ay gool u badalaan fursadihii ay heleen.

Crystal Palace ayaa dhinaca kale heshay fursado fiican waxana ay gool u badashay mid ka mid ah fursadahaas.

Daqiiqadii 14-aad ayay Crystal Palace dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Eberechi Eze kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal laakiin fursadihii ay heleen ayay ku fashilmeen in ay goolal u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Crystal Palace kooxda Liverpool dhabarka u saartay guuldaro xanuun badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga