Real Madrid oo heshiis afka ah la gaartay Yan Diomandé!

Real Madrid ayaa heshiis afka ah ka gaartay shuruudaha shaqsiga ah xiddiga RB Leipzig Yan Diomandé, iyadoo ciyaaryahanku siiyay kooxda oggolaanshihiisa (green light) inuu ku biiro haddii labada kooxood heshiis gaaraan.

Real Madrid waxay heshiis afka ah la gaartay Yan Diomandé, sida ay PSG u sameysay bishii Juun.

💰 Dalabkii ugu horreeyay ee Real Madrid oo ahaa €90 milyan iyo €10 milyan oo gunnooyin ah ayaa waxaa diiday RB Leipzig.

📄 Real Madrid ayaa haatan diyaarinaysa dalab cusub oo ay u gudbin doonto Leipzig si ay u dhamaystirto heshiiska.

🔵 Paris Saint-Germain wali kama harin tartanka, waxayna maanta mar kale la xiriirtay Leipzig iyo wakiillada ciyaaryahanka si ay isku day ugu sameyso saxiixiisa illaa daqiiqadda ugu dambeysa.

 Tartanka loogu jiro Yan Diomandé ayaa si weyn u kululaanaya. Real Madrid ayaa u muuqata inay hormuud ka tahay heshiiska maadaama ciyaaryahanku aqbalay shuruudaheeda, balse PSG wali waxay dadaal ugu jirtaa inay afduubato saxiixa xiddigan ka hor inta uusan ku biirin kooxda reer Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga