WARBIXIN: Halkee Ayuu Morgan Rogers Ka Galay Shaxiixyada Ugu Qaalisan Suuqa Kadib Ku Biiristiisa Chelsea

Morgan Rogers ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahankii 13-aad ee taariikhda kubadda cagta lagu kala iibsado lacag dhan £100 milyan ama ka badan, kadib markii Chelsea ay heshiis la gaartay Aston Villa oo lagu qiimeeyay £117 milyan.

Heshiiskan ayaa Morgan Rogers ka dhigaya ciyaaryahanka afaraad ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta, waxaana ka sarreeya oo keliya Neymar (£200M), Kylian Mbappé (£165.7M) iyo Alexander Isak (£125M).

Chelsea ayaa sidoo kale sii xoojisay sumcadeeda suuqa kala iibsiga, maadaama ay hadda mas’uul ka tahay 3 ka mid ah 13-ka heshiis ee ugu qaalisan taariikhda. Kooxda Stamford Bridge ayaa hore u bixisay £115 milyan si ay ula soo saxiixato Moisés Caicedo iyo £106.8 milyan oo ay ku heshay Enzo Fernández, halka Morgan Rogers uu noqonayo saxiixooda saddexaad ee ka badan £100 milyan.

Dhanka kale, Liverpool ayaa iyaduna ku jirta kooxaha lacagaha ugu badan bixiyay, iyadoo liiskan ku leh Alexander Isak (£125M) iyo Florian Wirtz (£116M). Manchester City ayaa sidoo kale ku leh Elliot Anderson (£116M) iyo Jack Grealish (£100M), halka Arsenal ay ku jirto Declan Rice (£105M).

13-ka heshiis ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta

  1. Neymar – £200M (Barcelona ➜ PSG)
  2. Kylian Mbappé – £165.7M (Monaco ➜ PSG)
  3. Alexander Isak – £125M (Newcastle ➜ Liverpool)
  4. Morgan Rogers – £117M (Aston Villa ➜ Chelsea)
  5. Florian Wirtz – £116M (Bayer Leverkusen ➜ Liverpool)
  6. Elliot Anderson – £116M (Nottingham Forest ➜ Manchester City)
  7. Moisés Caicedo – £115M (Brighton ➜ Chelsea)
  8. João Félix – £113M (Benfica ➜ Atlético Madrid)
  9. Enzo Fernández – £106.8M (Benfica ➜ Chelsea)
  10. Declan Rice – £105M (West Ham ➜ Arsenal)
  11. Philippe Coutinho – £105M (Liverpool ➜ Barcelona)
  12. Antoine Griezmann – £103M (Atlético Madrid ➜ Barcelona)
  13. Jack Grealish – £100M (Aston Villa ➜ Manchester City)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga