Xulka Faransiiska ayaa si dirqi ah ugu soo baxay wareegga siddeed dhammaadka ee Koobka Adduunka 2026, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Paraguay kulan ka tirsanaa wareegga 16-ka oo maanta lagu ciyaaray garoonka Philadelphia.
Qaybtii hore ee ciyaarta, Faransiiska ayaa inta badan kubadda haystay, hase yeeshee Paraguay waxay muujiyeen difaac adag oo nidaamsan.
Fursado badan oo halis ah lama arkin qeybta hore, iyadoo ciyaartoyda Faransiiska ay ku adkaatay inay si dhab ah u halis geliyaan goolka Paraguay.
Qaybtii labaad, Faransiiska ayaa si xooggan ku bilowday iyagoo raadinayay goolka furitaanka. Waxay ku dhowaadeen inay dhaliyaan markii kubbad dheer oo uu soo tuuray Mike Maignan ay gaartay Kylian Mbappé, balse daafaca Paraguay ayaa kubadda ka saaray ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay.
Garsooraha ayaa Faransiiska u dhigay rikoodhe, kaddib markii dib-u-eegista VAR lagu xaqiijiyay qalad lagu galay ciyaaryahankii beddelka kusoo galay ee Doi. Kylian Mbappé ayaa si guul leh u dhaliyay rikoodhahaas, isagoo noqday goolka kaliya ee ciyaarta.
Mbappé ayaa sidoo kale daqiiqaddii 88-aad laad xooggan ku tuuray goolka, balse goolhayaha Paraguay ayaa si cajiib ah u badbaadiyay.
Daqiiqaddii lixaad ee waqtiga dheeriga ah, goolhayaha Paraguay ayaa mar kale muujiyay bandhig heer sare ah, isagoo badbaadiyay labo fursadood oo xiriir ah oo uu Mbappé helay. Si kastaba ha ahaatee, Faransiiska ayaa xaqiijistay guusha 1-0, waxayna u gudbeen wareegga siddeed dhammaadka ee Koobka Adduunka 2026.
Be the first to comment