Koox Premier League Ah Oo Isku Dayday Saxiixa Enzo Maresca Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Chelsea.

Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa shaaca ka qaaday inay la soo xiriirtay koox kale oo muhiim ah ka hor inta uusan u saxiixin qandaraaskiisa Blues.

Kadib markii ay iska fasaxday Mauricio Pochettino, chelsea u dhaqaaqin Tababare Maresca oo ay kala soo wareegtay Leicester City.

Si kasta ha ahaatee wax walba way ka duwanaan lahaayeen sida haatan iyada oo Maresca qirtay koox weyn oo premier League ah in ay dalab u soo gudbisay.

“Waxay i waydiiyeen, ‘wali ma haysanaa wakhti mise waan daahnay?”Maresca ayaa u sheegay warbaahita.

“”Laakiin wakhtigaas waxa aan qaatay go’aanka aan ugu biirayo chelsea”ayuu sii raaciyay.

Maresca ayaa diiday in uu shaaca ka qaado kooxda ku guul daraystay in ay ku qanciso in iska diido chelsea.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay tababaraha si ay ugu badasho Ten Hag oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa wakhtigaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga