Waxa Lagu jiraa kulamadii ugu Dambeeyay Ee Xilli Ciyaareedka iyada oo kooxuhu bilaabeen qorshohooda suuqa kala iibsiga.
Halka Kaga bogo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Xagaaga
**Newcastle United ayaa wali ku adkaysanaya qiimaha £75 milyan ee ay ku doonayaan garabka xulka England, Anthony Gordon, iyadoo Bayern Munich ay ku dhowdahay inay heshiis shan sano ah la gaarto ciyaaryahanka 25 jirka ah.
**Liverpool ayaa weli kalsooni ku qaba weeraryahanka Alexander Isak, waxayna eegayaan garabka Ivory Coast ee 19 jirka ah Yan Diomande iyo weeraryahanka Norway ee 21 jirka ah Antonio Nusa, oo labaduba u ciyaara RB Leipzig, sidoo kale weeraryahanka Faransiiska ee 23 jirka ah Bradley Barcola oo ka tirsan Paris Saint-Germain, si ay uga caawiyaan Isak inuu soo bandhigo heerkiisa ugu fiican.
**Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa sidoo kale bartilmaameedsan karta goolhayaha Robin Roefs ee Sunderland haddii goolhayaha koowaad Alisson Becker uu u dhaqaaqo Juventus.
**Difaaca Talyaaniga Michael Kayode ayaa lala xiriiriyay kooxda Turin, balse ciyaaryahanka 21 jirka ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Brentford isla markaana aanu ka fikirayn inuu ka tago kooxda London.
**Khadka dhexe ee Faransiiska Eduardo Camavinga ayaa laga yaabaa inuu ka tago Real Madrid kadib markii laga reebay xulka Faransiiska ee Koobka Adduunka, iyadoo Tottenham Hotspur ay xiisaynayso.
**Kooxda Roberto De Zerbi ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay la soo saxiixato khadka dhexe ee Faransiiska Maghnes Akliouche ee AS Monaco haddii loo oggolaado inuu baxo.
**Difaaca Inter Milan, Denzel Dumfries, ayaa lagu heli karaa 25 milyan oo euro marka qodob gaar ah oo qandaraaskiisa ku jira uu dhaqan galo muddo kooban bisha July.
**Nottingham Forest ayaa qorsheynaysa inay heshiis waqti dheer ah siiso tababaraha Vitor Pereira. Tababaraha reer Portugal ayaa bishii February kooxda kula wareegay heshiis 18 bilood ah wuxuuna kooxda ka caawiyay inay ka badbaado hoos u dhaca Premier League.
Be the first to comment