Klopp Oo Magacaabay Xiddig Liverpool Heshiis Wakhti Dheer U Saxiixi Doona.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in uu aad u hubo in uu xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo u saxiixi doono kooxdiisa heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

Ka dib markii ay waayeen dhowr bartilmaameed oo khadka dhexe ah xagaagii hore, Reds ayaa go’aansatay inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Japan kaas oo ay kula soo wareegtay 16 milyan.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa sugay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Anfield waxana uu haatan muhiim ka noqday kooxda Klopp.

Endo ayaa fure u ahaa guushii ay kooxdiisu ka gaadhay chelsea final-kii Carabao cup-ka.

Xiddiga No.3 u xidha kooxda ayaa ciyaaray dhamaan 120-kii daqiiqo ee kulankii Wembley isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.

Ciyaarta kadib Klopp ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga waxana uu sheegay in uu dhawaan u saxiixi doono heshiis wakhti fog ah.

“Waxaan dhahay dhowr jeer waxaan nasiib u leenahay (inaan heysano Endo),” Klopp ayaa u sheegay suxufiyiinta.

“Waan hubaa in seddex ama afar sano gudahood uu Wataru u saxiixi doono qandaraas kale oo waqti dheer ah Liverpool.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga