Chelsea Oo Daqiiqadii Ugu Dambaysay Garaacay Leeds United Iska Xaadiriyay Wareega 5-aad Ee FA Cup-ka.

Kooxda chelsea ayaa garaacday Leeds United kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka.

Chelsea ayaa ku badisay ciyaarta 3/2 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Stamford Bridge.

Blues ayaa ku marti galisay dhigeeda Leeds United fiidnimadii Arbacada, garoonka Stamford Bridge, taasoo qeyb ka ahayd kulamadii shanaad ee FA Cup-ka.

Ciyaaryahan Mathieu Guzeev ayaa daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Leeds u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Nicholas Jackson ayaa daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka barbaraha.

Ciyaaryahan Mykhailo Mudryk ayaa daqiiqadii 37-aad u suura gashay in uu u dhaliyo goolkii labaad ee kooxda martida loo ahaa.

Kooxda martida aheyd ayaa soo laabatay waxaana u dhaliyay goolka barbaraha Mathieu Joseph, daqiiqadii 59-aad.

Ciyaaryahan Conor Gallagher ayaa daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga