Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Mohamed Salah Ka Hor Kulanka Nottingham Forest.

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay weyn doonto weeraryahankeeda Mohamed Salah kulanka sabtida ee Nottingham Forest.

Salah ayaa dhaawac muruqa ah la dhibaatoonaya waxana uu dhaawacaas ku seegay 3-dii kulan ee ugu dambaysay  oo ay ku jiraan finalkii Carabao Cup ay ka qaadeen Chelsea iyo koobkii FA Cup ee wareega shanaad ee Southampton.

Kulanka Nottingham Forest ayaa noqon doona mid wakhti hore ku ah Salah laakiin Klopp ayaa sheegay in uu xiddiga 31 jirka ah dhawaan soo laaban doono.

“Uma maleynayo in Mo uu aad uga fog yahay laakiin berri ma ciyaari doono”ayuu Klopp yidhi.

“Mo xoogaa ayuu maqnaan doonaa waxana aan filayaa todobaadka dambe waan hubaa in uu ciyaari doono”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga