Barcelona Oo La Xidhiidhay Badalka Xavi & Heshiiska Ay U Soo Bandhigtay Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay la xidhiidhay tababaraha xulka qaranka Portugal ee Roberto Martinez si ay ugu badasho Xavi dhamaadka xili ciyaareedkan.

Xavi ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagi doono booska dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo halyeeyga khadka dhexe uu booskaas hayay seddexdii sano ee ugu dambeysay.

Ma jiro cid ugu cad cad oo lagu bedeli karo 44-sano jirkaan, iyadoo magacyo ay ka mid yihiin Hansi Flick, Rafa Marquez iyo Roberto De Zerbi lala xiriirinayo booska.

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sidoo kale si kooban lala xiriiriyay, laakiin wararka xanta ah ayaa si dhaqso ah loo beeniyay.

FootballTransfers ayaa xaqiijin karta in Barcelona ay la xiriirtay Martinez si uu u noqdo badalka Xavi dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dalabka Bilowga ah ayaa ah heshiis hal sano ah iyo waliba hal sano oo dheeraad ah iyadoo Blaugrana ay siineyso Martinez fursad uu ku qabto doorka uu hadda ku leeyahay shaqada tababaraha Portugal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga