Saynisyahan caan ku ah saadaasha Koobka Adduunka, Klement, ayaa saadaaliyay in Netherlands ay ku guuleysan doonto Koobka Adduunka 2026 markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Klement wuxuu rumeysan yahay in xulka Netherlands ee uu hoggaamiyo Ronald Koeman uu semi-finalka ka adkaan doono Spain, halka finalka ay kaga guuleysan doonaan Portugal magaalada New York.
Sidoo kale, wuxuu saadaaliyay in England ay gaari doonto afar dhammaadka tartanka, balse ay semi-finalka kaga harto Portugal iyo Cristiano Ronaldo.
Inkasta oo Netherlands aysan waligeed ku guuleysan Koobka Adduunka, haddana waxay saddex jeer gaartay finalka, halka guushooda keliya ee tartan weyn ay ahayd Euro 1988.
Klement ayaa xusay in saadaashiisu aysan ahayn wax la hubo, isagoo sheegay in nasiibku door weyn ka ciyaaro natiijooyinka ciyaaraha. Si kastaba, wuxuu aaminsan yahay in Netherlands ay leedahay fursad weyn oo ay ku gaari karto guul taariikhi ah tartankan.
Isagoo adeegsanaya aragtidaas, ayuu saadaaliyay in xulka Netherlands, oo uu hoggaamiyo Ronald Koeman, uu ku guuleysan doono Koobka Adduunka markii ugu horreysay taariikhda. Netherlands waxay saddex jeer soo gaartay finalka, kii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa 2010, halka guushooda keliya ee tartan weyn ay ahayd Koobkii Yurub ee 1988.
Klement wuxuu saadaaliyay in Netherlands ay semi-finalka ku garaaci doonto Spain, kadibna ay finalka magaalada New York kaga adkaan doonto Portugal. Sidoo kale wuxuu saadaaliyay in England ay gaari doonto afar dhammaadka, balse halkaas ay kaga harto Portugal iyo xiddiggeeda Cristiano Ronaldo.
Netherlands, oo kaalinta 8-aad kaga jirta qiimeynta FIFA, waxay ku jirtaa guruub ay kula jiraan Japan, Sweden iyo Tunisia, waxaana loo arkaa kooxda ugu cadcad inay kasoo baxdo. Netherlands waxay hal mar oo keliya guuldarro ku qaaday 90-ka daqiiqo gudahood 16-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, Klement hore ayuu u sheegay in saadaashiisa aan loo qaadan xaqiiqo dhab ah, maadaama nasiibku qayb weyn ka yahay. Wuxuu yiri:
“Waa arrin gebi ahaanba aan caqli ku dhisnayn. Waxay la mid tahay bakhtiyaa-nasiibka. Mar walba waxaan iraahdaa haddii qof sharad ku galo saadaashayda kooxda ku guuleysan doonta Koobka Adduunka, qofkaas wuxuu u baahan yahay caawimaad.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waxay la mid tahay inaad lacag tuurto. Waxaad saadaalin kartaa inay afar jeer oo isku xigta madaxa ku dhacdo halkii ay dabada ku dhici lahayd, waana dhici kartaa. Laakiin taas macnaheedu ma aha inay mar kale sidaas oo kale noqon doonto.”
Klement wuxuu qirtay inuu aad ula yaabay markii Germany ay ku guuleysatay Koobkii Adduunka 2014 ee lagu qabtay Brazil, iyagoo finalka kaga adkaaday Argentina.
Wuxuu yiri:
“Markii ugu horreysay waan argagaxay markii Germany ay noqotay horyaalka adduunka ee Brazil, sababtoo ah khubaradu dhammaantood waxay tilmaamayeen inaysan jirin koox Yurub ah oo waligeed ku guuleysatay Koobka Adduunka ee lagu qabto Koonfurta Ameerika.”
Ugu dambeyntii, Argentina ayaa ah kooxda difaacanaysa koobka, kaddib markii ay ku guuleysatay Koobkii Adduunka ee Qatar.
Be the first to comment