Jude Bellingham Oo Dusha Laga Saaray Ganaax Laba Kulan Ah, Sabab.

Guddiga Tartamada ayaa go’aan ku gaaray in ay labo kulan ganaaxaan xiddiga kooxda Real Madrid ee Jude Bellingham ka dib markii uu casaan qaatay kulankii Valencia ee tartanka horyaalka Spain.

Jude Bellingham ayaa kaarka cas loo taagay ciyaartii dhexmartay Real Madrid iyo Valencia, taasoo kusoo idlaatay barbaro 2/2 kaddib markii uu si aan munaasab ahayn ula hadlay garsoorihii ciyaarta ee Gil Manzano.

Garsooraha ayaa sheegay in uu xiddiga Bellingham aflagaado u gaystay kadib markii ay dhamaatay ciyaartu isaga oo dhinaciisa u orday.

Guddiga Tartamada ayaa go’aankooda ku muujiyay in aysan ogolaan doonin xadgudubyadan oo kale oo ka dhanka ah garsoorayaasha, sidaa darteed waxa ay go’aansadeen in Bellingham la ganaaxo laba kulan.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa tilmaamay in Real Madrid ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato go’aankan si ay isugu daydo inay yareyso ciqaabta lagu hayo xiddiga reer England, kaasoo sidaas darteed seegi doona kulamada Celta Vigo ee Axadda soo socota iyo Osasuna 16-ka bishan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga